Guriga Dariiqadu, waa guri taariikh fog. Inta la ogyahay waxa la deggenaa tan iyo bilawgii Q-19aad. Xilli ku beegan horraantii 1800 baa la soo degay Deegaanka dariiqada. Ilaa maanta waa goob cammiran, waa goob ka caaggan xumaanta qabyaaladda, waa goob ku caan baxday wanaag iyo is gargaar.
Taariikhdu waa dhacdo hore oo wax laga sheego, deegaan ama magaalo ama dal siday ku bilaabantay laga warramo iwm. Waxa aan aad uga xumahay sida ay u luntay taariikh badan oo degmada Sheekh lahayd, gaar ahaan halkii laga aasaasay magaalada Sheekh oo ah guriga Dariiqada.
Taariikhdu waa dhacdo hore oo wax laga sheego, deegaan ama magaalo ama dal siday ku bilaabantay laga warramo iwm. Waxa aan aad uga xumahay sida ay u luntay taariikh badan oo degmada Sheekh lahayd, gaar ahaan halkii laga aasaasay magaalada Sheekh oo ah guriga Dariiqada.
Marka hore aan dul-kaxaadiyo taariikh hore, oo inta badan la isku soo gaadhsiiyey sheeko ahaan. Magaalada Sheekh, waxa ay magaca ka dhaxashay Sheekh Qudub oo ah Sheekh ay ku abtirsadaan beel aad u ballaadhan oo ka mid ah beelaha soomaalida. Sida la sheegay, ee sheeko ahaan lagu maqlay, waxa jirtay xilli aad u fog oo dadka qaar ku tilmaamaan xilli ku beegan, wakhtigii Sheekh Yuusuf Al-kawnayn oo loo yaqaan Aw Barkhadle, in ay yimaaddeen magaalada Sheekh, xer uu hoggaaminayey, nin caalim Sheekha ahaa (Waxa la sheegaa in uu Sheekh Quddub ahaa) ay soo martiyeen magaalada Sheekh oo xilligaaba magaalo ahayd. Ma ay ahayn magaalo yar ee waxa la sheegaa in ay ahayd magaalo weyn oo cammiran, waxaana la odhan jiray FARDAWSA. Magaaladaa oo ay ku noolaayeen dad ganacsato u budnaa. Martidii Sheekha albaabada ayey ka xidheen oo ma ay marti gelin ee way ka seexdeen. Dabadeedna Sheekhii waxa uu ku yidhi: " Si xun baa yeesheene--si aad u badbaaddaan subaxnimada hore albaabadda ha furina. Subaxnimadii ayey furtay gabadh la sheegay in ay odaygeeda u cadhaysnayd (Waa sida sheekadu igu soo gaadhaye).
Waxa magaaladii waagu ugu beryey iyadoo ay dhexyaacayaan dameero, ku raran ama ay eryanayeen cayayaan (Shinni ba) ka soo qaad. Dadkii waxa ku degey cayayaankii, qofna kama bixin sidaasay ku rogmadeen. Maalintii danbe ayaa dad aad u farabadani yimaaddeen magalaadii "Fardawsa" ee rogmatay. Waxa ay dadkaasi aaseen maydadkii daadsanaa magaalada dhexdeeda iyo hareeraheedaba. Dhankii ama buurtii ay ka soo degeen dameeruhu waxa ilaa maanta loo yaqaan WAX-XUN-Dhala, dhankii kalena waxa loo yaqaan WAX-SAN-dhala.
Taariikhdaa hore ee aan sugnayn, oo aniga iyo in badan oo kaleba ku soo gaadhay sheeko ahaan. Dabcan wax badan baa qaldanaan kara, balse in wax ka jiraan waxa xaqiijinaya. Magaalada Sheekh xabaalaha ku yaalla, ee ku yaallay 1912kii markii uu soo maray Drake-Brockman oo buug ka qoray Somaliland, ahaana nin ingiriis ah, waxa uu tibaaxay in deegaanka Sheekh uu ku arkay xabaalo gaadhaya 5000 oo xawaal. Taasi waxa ay muujinaysaa in la deggenaa xilli hore. Weliba isagu min-qiyaaskiisii waxa uu ku ladhay in ay goobtaa deggenaayeen, ganacsato oo xidhiidh la lahaa Beershiya---1000 sannadood ka hor. Waa sida uu isagu ku qiyaasaye.
Haddaba goorma ayey magaaladan danbe ee Sheekh dhisantay. Waxa bilaw iyo aasaas u ah Guriga Dariiqada oo dhismay xilli ku beegan horraantii Q-19aad. Waxa aasaasay oo lugaha u taagay Sayid-Adan Axmed Madar, oo xilligaa ka yimi Makka ee dalka Sacuudiga, oo uu muddo dheer ku maqnaa kuna soo bartay culuunta diinta Islaamka.
............................................way socotaa,
wixii talo iyo tusaale kaleba ah ii soo gudbi, kuna soo dir mailka:
gacanlibaax2001@yahoo.se
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Inga kommentarer:
Skicka en kommentar