Gabaygan waxa curiyey Maxamed Xaaji Muuse Xaaji Abokor, oo ka mid ah tiirarka, odayaasha Ikhwaanka Guriga Dariiqada ee magaalada Sheekh. Waxa uu Xaaji Maxamed curiyey gabayo badan oo aad u miisaan culus. Waxa aan ka sii xusi karaa gabaygii lo'da, ee markii loogu faanay geela uu si xarrago leh uga tiriyey gabay aan miisaankiisa, midhihiisa habdhiciisa horeba loo arag. Waxa ka mid ahaa baydadka aan ka xasuusto. "Dibigeeda bayga leh, markuu daymo bahalleeyo, dig wuxuu ka siiyaa higgaad danab la moodaaye." Isagoo iska difaacaya faanka geeljiraha ee inta badan soo qaata, in uu geelu 30 maalmood biyo ka qatanaado, harraadka iyo biyo la'aanta, oo inbadan lo'da lagu caayo, ayuu sidan u dhigay bayd aan la dhaafi karin: "Darka ceelka kama maarantiyo, weyso daahira'e"
söndag 14 juli 2013
måndag 24 juni 2013
Diiwaanka Ikhwaanka ee Guriga Dariiqada
Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim
Haddii Eebe idmo, waxa aan jecelahay in aynu halkan ku ururinno, si diiwaan ahaan oo la daabaci karo mustaqbalka. Dhammaan Ikhwaanka ku abtirsada Guriga Dariiqada. Waxa hubaal ah in maanta aanay noolayn odayaashii iyo Islaamihii garanayey sida uu Ikhwaanku isugu xidhnaa. Waxa aynu ognahay in maanta ay Ikhewaanku kala joogaan dacallada adduunka.
onsdag 12 juni 2013
Taariikhda Guriga Dariiqada Sheekh
Guriga Dariiqadu, waa guri taariikh fog. Inta la ogyahay waxa la deggenaa tan iyo bilawgii Q-19aad. Xilli ku beegan horraantii 1800 baa la soo degay Deegaanka dariiqada. Ilaa maanta waa goob cammiran, waa goob ka caaggan xumaanta qabyaaladda, waa goob ku caan baxday wanaag iyo is gargaar.
Prenumerera på:
Inlägg (Atom)
