måndag 24 juni 2013

Diiwaanka Ikhwaanka ee Guriga Dariiqada

Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Raxiim

Haddii Eebe idmo, waxa aan jecelahay in aynu halkan ku ururinno, si diiwaan ahaan oo la daabaci karo mustaqbalka. Dhammaan Ikhwaanka ku abtirsada Guriga Dariiqada. Waxa hubaal ah in maanta aanay noolayn odayaashii iyo Islaamihii garanayey sida uu Ikhwaanku isugu xidhnaa. Waxa aynu ognahay in maanta ay Ikhewaanku kala joogaan dacallada adduunka. 


Maaha maalintii qofka ugu fogi uu 1000 km meel aan ka badnayn joogay. Maantana Ilaa Ustareeliyua, ilaa Kanada Ikhwaanku waa uu joogaa. Inta sii garanaysa degmadeenii ama gurigeenii Dariiqada, waa ay yartahay. Waxa aynu sii gelaynaa caalamkii wax la isgu gudbinayey qoraalka. Haddaan qoraal hadhin, wax alla wax innaga danbaynayaa ma jirayaan. Aaan isu ururinno qofba inta uu hayo, oo marka ay inoo suurta gashana aan daabacanno.

Sidan ayaan tusaale ahaan ugu bilaabay, waxaanse jecelahay in aad sidaad doontaan u bilawdaan, laakiin waxoogaa faahfaahin ah ii raaciya oo tusaale ahaan hebel oo dhalay, hebel iyo heblaayo, oo kale Emailka hoosta ku qoran ama facebuuggaba iigu soo dir. 


1. Sayid-Adan Axmed Madar
2. Xaaji Nuur Guuleed
3. Xaaji Abokor Cabdulle
4. Xaaji Jaamac Hannas
5............


FG: Qaybta odayaasha ku dhowaa Sayid-Adan xilligii uu noolaa. Soo gudbiya

1. Xaaji Muuse Xaaji Abokor
2. Xaaji Maxamed Cabdi-kariim
3. Xaaji Nuur Cabdalle

..................

FG: Soo gudbi qoyskasta tusaale ahaan:

Xaaji Abokor Cabdulle
---------------------------
Xaaji Muuse
Xaaji Cabdi
Xaaji Muumina
Maryan
-----------------------------
Xaaji Muuse
-------------------------
Maxamed Xaaji Muuse
Axmed
Bayac
Cabdi-Bidix
-------------------------

...................................Hooyada ayaa magaceedu soo gelayaa. Sidaasoo kale qoyskasta halka sare ka soo bilaw..inta aad garanayso.


iigu soo hagaaji emailkan
gacanlibaax2001@yahoo.se

Inta dhimadatay aan u ducayno, dhammaantoodba Ilaahay jannadii ha geeyo aamiin. Inta noolna caafimaad iyo sharaf ku noolaada, aamiin

Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar