Gabaygan waxa curiyey Maxamed Xaaji Muuse Xaaji Abokor, oo ka mid ah tiirarka, odayaasha Ikhwaanka Guriga Dariiqada ee magaalada Sheekh. Waxa uu Xaaji Maxamed curiyey gabayo badan oo aad u miisaan culus. Waxa aan ka sii xusi karaa gabaygii lo'da, ee markii loogu faanay geela uu si xarrago leh uga tiriyey gabay aan miisaankiisa, midhihiisa habdhiciisa horeba loo arag. Waxa ka mid ahaa baydadka aan ka xasuusto. "Dibigeeda bayga leh, markuu daymo bahalleeyo, dig wuxuu ka siiyaa higgaad danab la moodaaye." Isagoo iska difaacaya faanka geeljiraha ee inta badan soo qaata, in uu geelu 30 maalmood biyo ka qatanaado, harraadka iyo biyo la'aanta, oo inbadan lo'da lagu caayo, ayuu sidan u dhigay bayd aan la dhaafi karin: "Darka ceelka kama maarantiyo, weyso daahira'e"
Haddaba, bal gabaygan oo aan dhammaystirnayn aynu maanta wadaagno. Gabaygan waxa uu kaga hadlayey, dhibaatada soomaalida haysata iyo dedaalka adduunka kale ku gaadhay horumarka. Gabaygu ma dhamma, waana laga yaabaa in meelaha qaar qalad ku jiri karo, waanse sixi doonnaa haddii Eebe idmo.
Waa kan gabaygii:
Ta-da gabey wataan ka tegey kumana taabeyne.
Wataan ka toobsadey halkiyo, tacabirkeygiiye...
Aan tilmaamo maansada halkey, tebeyso laabteydu
Waar aduunyadan dadkii tamarta lahaa tiigsey meel sare eh.
Tartan bey quruumii galeen, amase taariikhe.
Tawalaynta reer yurub, cirkey tamashle yaacayso.
Dayaxaa latiigsadey alaab samada loo tuuro.
Sawaariikhda tooska loo ridiyo, taabashada keebka.
Dayuuradahaa tooraynayee iyo taar hawada xiima.
Marakiibta tuulka u sidee taaangiyada waarka.
Radiyoga loosoo tartamo ee teena ka hadlaaya.
Iyo telephonada soo tebiya sowdkeena.
Waxaa uumiyuhuu tarbiib leeyahay ayaan hadal la taagnahaye.
Tiro layma dhaamee talaa layga roonyahaye.
Cilmibey ku tigaalayaan iney tayiisaane.
Sancadeenu waa toori iyo daabka tuurta lehe.
Inagaa tabtii yuurura oon toosin weligeene.
Tumaatida walaalkeed intey dhab ugu taameyso
Intey taloyaqaan iyo nin raga turuntureynayso.
Tafaraaraq xaajada qabiil intey kala tusmeyneyso..
Na-tageer Alahayoy adey taada noqotaaye..
--------------------------------------------------------------
Xigasho: Cabdi M Xaaji Muuse
Mahadnaq: waxa aan uga mahadnaqayaa Cabdi M Xaaji Muuse, oo gabaygan qaybasanaa, iina soo qoray
-----------------------------------------
FG: Gabaygan iyo kuwo kaleba waxa aan isku deyi in aan helo, oo waa Ilaahay mahaddii Maxamed Xaaji Muuse waxa uu joogaa Gurigii Dariiqada. Haddii uu jiro qof akhriyey qoraalkan oo innoo fududayn kara dhammaystirka gabaygan iyo gabayo kaleba waan kaaga mahadnaqayaa.
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar